U bood dhigaalka

AFRICOM oo Ka Digay In Xuutiyiintu Hawlgalladooda Ku Fidin karaan Soomaaliya

Oktoobar 10, 2026

Taliska Mareykanka ee Afrika—AFRICOM—ayaa ka digay in Xuutiyiinta Yemen ay isku dayayaan inay hawlgalladooda ku fidiyaan Soomaaliya, taas oo abuuri karta jiho cusub oo laga fuliyo weerarro ka dhan ah maraakiibta mara Gacanka Cadmeed iyo ciidamada Mareykanka ee gobolka.

Sarkaal ka tirsan AFRICOM ayaa sheegay in dagaalyahanno ama wakiillo Xuutiyiin ah ay suuragal tahay inay mar horeba joogaan waqooyiga Soomaaliya, iyagoo xiriir la leh Al-Shabaab.

Sarkaalka, oo magaciisa loo qariyey sababo la xiriira habraaca wareysiga, wuxuu sheegay in baaxadda joogitaanka Xuutiyiinta aan weli si buuxda loo ogaan, waxaana Stars and Stripes
AFRICOM ay si gaar ah uga walaacsan tahay in Xuutiyiintu Al-Shabaab u gudbiyaan hub casri ah, tababar iyo aqoon farsamo oo la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Taageerada noocaas ahi waxay sare u qaadi kartaa awoodda Al-Shabaab ay ugu hanjabeyso ciidamada Mareykanka, xarumaha dowladda Soomaaliya iyo bartilmaameedyada kale ee Bariga Afrika.

Xuutiyiinta ayaa dhinacooda ka faa’iidaysan kara deegaannada ay Al-Shabaab ka taliso ama ka hawlgasho, si ay ugu ballaariyaan joogitaankooda meel ka baxsan Yemen.

Haddii iskaashigaasi xoogeysto, labada dhinac ee Gacanka Cadmeed ayaa laga abaabuli karaa weerarro lagu beegsado maraakiibta, taas oo sii adkeyn karta ilaalinta mid ka mid ah marinnada ganacsi ee ugu muhiimsan dunida.

Digniintan ayaa imanaysa xilli AFRICOM ay weerarro ka dhan ah Al-Shabaab ka fulinaysay waqooyiga Soomaaliya. Bishii Sebteembar, talisku wuxuu sheegay inuu duqeeyey bakhaar lagu kaydinayey hubka Al-Shabaab oo ku yaalla gobolka Sanaag, qiyaastii 80 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan Boosaaso.

Suuragalnimada xiriir hawlgal oo dhex mara Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab waxay Soomaaliya ku soo kordhin kartaa hub casri ah, weerarro badeed iyo loollan ay ku lug yeeshaan quwadaha gobolka.

Waxay sidoo kale khatar gelin kartaa dekedaha waqooyiga, xeebaha Puntland iyo Somaliland, saldhigga Mareykanka ee Jabuuti iyo guud ahaan isu-socodka maraakiibta Gacanka Cadmeed.