U bood dhigaalka

Dawladda Suuriya oo billowday maxkamadaynta saraakiishii la shaqayn jirtay Bishaar Al-Asad

Abriil 27, 2026

Dawladda Suuriya ayaa si rasmi ah u billowday maxkamadaynta saraakiishii la shaqayn jiray nidaamkii Bishaar Al-Asad, gaar ahaan kuwii geystay xadgudubyada xilliyadii kacdoonka.

Maxkamadayntan oo si weyn isha loogu hayay ayaa lagu bilaabay Atef Najib, Amjad Yusuf iyo rag kale oo hore u ahaa saraakiil sar sare oo ka tirsanaa ciidamada,iyadoo lagu eedeeyay dambiyo culus oo ka dhan ah shacabka.

Dacwaddan ayaa sidoo kale lagu soo oogay siddeed xubnood oo kale oo ka tirsanaa hoggaankii hore, oo uu kamid yahay madaxweynihii hore Bashar al-Assad, inkastoo uu dibedda Qaxooti ku yahay.

Eedeymaha loo jeediyay xubnahan ayaa isugu jira dilal ula kac ah iyo xadgudubyo kale oo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kuwaas oo dhacay intii uu socday kacdoonkii 2011-2024 iyo ka horba.

Maxkamadda ayaa loo qabtay si furan, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wariyeyaal iyo dadweyne tiro badan, taas oo muujinaysa dadaal lagu doonayo hufnaan iyo kalsooni dhisid.

Garsooraha ayaa xaqiijiyay in eedeysanayaasha iyo markhaatiyaashu ay joogaan, hase yeeshee wuxuu dib u dhigay wareysiga tooska ah ilaa bisha May, si loo dhamaystiro diyaarinta dacwadda iyo amniga goobta.

Suuriya oo ku dhowaad 60 sano ku jirtay xukun keligii talis ah ayaa haatan gashay marxalad cusub, ayadoo layskula xisaabtamaya xadgudubyadii dhacay xilligii nidaamkii hore ee Bishaar Al-Asad iyo Aabihiis Xaafid Al-Asad.