Wakaaladda wararka ee WAM ayaa baahisay in dowladda isu tagga Imaaraadka Carabtu ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ka baxeyso ururka OPEC iyo isbahaysiga OPEC+, laga bilaabo bilowga bisha May ee soo socota.
Go’aankan ayaa lagu tilmaamay mid istiraatiiji ah oo la xiriira dib-u-habeyn ku saabsan siyaasadda tamarta dalkaasi, iyadoo Imaaraadku doonayo inuu si madax-bannaan u maareeyo wax-soo-saarka iyo suuq-geynta shidaalka, isla markaana uu diiradda saaro kobcinta maalgashiga qaybaha kale ee dhaqaalaha.
Imaaraadka oo ka mid ahaa dalalka ugu saameynta badan ee ku jira OPEC, ayaa door muhiim ah ka ciyaaray dejinta xeerarka wax-soo-saarka saliidda, gaar ahaan heshiisyadii lagu xakameynayay qiimaha shidaalka caalamka.
Ka bixitaankiisa ayaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho isku dheelitirka suuqyada tamarta, maadaama OPEC+ ay muddo dheer ahayd awoodda ugu weyn ee hagta wax-soo-saarka saliidda.
Falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa sheegaya in tallaabadan ay furi karto tartan cusub oo ka dhex bilowda dalalka soo saara shidaalka, isla markaana ay saameyn ku yeelan karto qiimaha saliidda caalamka bilaha soo socda.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hoggaanka OPEC ama xubnaha kale ee OPEC+ oo ku saabsan go’aanka Imaaraadka, balse waxaa la filayaa in arrintan si weyn looga falceliyo maalmaha dhow.
Imaaraadka oo ka baxaya OPEC
Abriil 28, 2026