U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay waxqabashada abaaraha weli ka jira qeybo dalka kamid ah

Abriil 28, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee United Nations u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah, Tom Fletcher.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray mudnaanta arrimaha bani’aadannimo ee Soomaaliya, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah ee la xiriira abaaraha, fatahaadaha iyo baahiyaha sii kordhaya ee bulshada nugul.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada-hadlay dadaallada dib-u-soo kabashada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo taageerada beesha caalamka, si loo dardargeliyo mashaariicda horumarineed iyo gargaarka bani’aadannimo ee dalka ka socda.

Dhankiisa, Tom Fletcher ayaa muujiyay sida United Nations ay uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in la sii xoojin doono iskaashiga iyo isku-dubaridka gargaarka.

labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta si wax looga qabto caqabadaha bani’aadannimo ee jira, loona taageero dadaallada dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.