Hoggaamiyaha dowladda milatariga ee dalka Mali, Assimi Goïta, ayaa markii ugu horreysay goob fagaare ah ka soo muuqday tan iyo markii weerarro isku dubbaridani ay dalkaasi ka dhaceen horraantii toddobaadkan, isagoo ballan-qaaday in la “baabi’in doono” kooxaha ka dambeeya falalkaas.
Khudbad telefishin ah oo uu jeediyey Talaadadii, Goïta ayaa ugu baaqay shacabka inay kalsooni ku qabaan ciidamada ammaanka, isagoo cadeeyay in howlgallada milatari ay sii socon doonaan ilaa si buuxda loo ciribtiro kooxaha hubeysan ee weerarrada qaaday.
Weerarradan oo loo arko kuwii ugu ballaarnaa ee dalkaas ka dhaca sanadihii u dambeeyay, ayaa waxaa fuliyey kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo jabhado gooni u goosad ah, kuwaas oo bartilmaameedsaday saldhigyo ciidan, magaalooyin muhiim ah iyo xitaa meel u dhow caasimadda Bamako.
weerarradaas ayaa sababeen khasaare culus, oo ay ku jirto dilka wasiirkii gaashaandhigga dalka, taas oo dharbaaxo weyn ku noqotay dowladdu.
Muuqaalka Goïta ayaa imanaya xilli ay jirto cabsi laga qabo in kooxaha hubeysan ay sii ballaariyaan saameyntooda, gaar ahaan gobollada waqooyi ee dalka, halkaas oo dagaallo xooggan ay ka socdaan.
Inkasta oo dowladdu sheegtay in xaaladdu la xakameeyey, haddana warbixinno kala duwan ayaa tilmaamaya in dagaalladu weli socdaan, islamarkaana ay jiraan dadaallo militari oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo gacan ku haynta dhulalka qaar.