Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabad casho-sharaf ah oo dhowaan Madaxtooyadu u samaysay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ka jawaabay baaqyo ay u jeediyeen Isimada qaarkood oo ku saabsanaa inuu talada dhulka dhigo.
Wuxuu xusay in markii uu xilka qabtay uu bilaabay wada-hadallo uu la yeeshay mucaaradka iyo siyaasiyiinta saameynta leh, si ay uga wada tashadaan arrimaha mudnaanta u leh dowladnimada Soomaaliya.
“2023-kii ayaa u sheegnay inaan rabno in dalku doorasho qof iyo cod ah galo, in uu labo xisbi yeesho, iyo sida aan ula dirinayno Al-Shabaab” ayuu yiri madaxweynuhu.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli dowladda Federaalku ay ku adkaysanayso hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, balse mucaaradku ay ku hanjabayaan in wixii ka dambeeya 15-ka May ay tallaabooyin culus qaadi doonaan.