Hal bil ayaa ka soo wareegtay isbeddelkii siyaasadeed ee degdegga ahaa ee ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isbeddelkaas oo sababay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si toos ah u maamusho xaaladda, una magacowdo hoggaan cusub oo ka shaqeeya hoggaaminta Koonfur-Galbeed ee Lafta-gareen uu ka tagay.
Mudadaas gudaheeda, wax badan ayaa is beddelay laakiin hal arrin ayaa weli taagan waa aamusnaanta Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Laftagareen, oo muddo toddobo sano ah hoggaaminayay Koonfur Galbeed, ayaa ka baxay Baydhabo xilli ay ciidamada dowladda federaalka ay soo galeen magaalada, iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin gudaha caasimadda ku-meelgaarka ah ee maamulkaas.
Tan iyo maalintaas, lama maqal codkiisa ma jirto war rasmi ah, fariin muuqaal ah, ama hadal uu si toos ah ugu wajahay shacabka uu hoggaaminayay, Marka laga reebo in uu iscasilay.
Aamusnaantiisa ayaa noqotay mid si weyn u hadal hayaan shacabka iyo falanqeeyayaasha siyaasadda. Dad badan ayaa isweydiinaya sababta uu u doorbiday inuu aamuso xilli xaaladdu si weyn isu beddeshay.
Qaar waxay u arkaan in aamusnaantaasi ay tahay mid xeelad siyaasadeed, halka kuwo kale ay ku tilmaamayaan masuuliyad ka fogaansho, gaar ahaan marka la eego taageerayaashii uu lahaa ee weli sugaya hadal cad.
Inta lagu guda jiray bishaan, maamulka cusub ee ay dowladda federaalka taageertay ayaa bilaabay fulinta shaqooyinkii maamulka, iyadoo ciidamada dowladda ay si buuxda gacanta ugu hayaan amniga guud ee Koonfur Galbeed. Inkastoo ay jirto xasillooni muuqata marka loo eego dhinaca amniga, haddana dhinaca siyaasadda waxaa weli ka jira hubanti la’aan la xiriirta mustaqbalka maamulka iyo doorka Laftagareen.
Koonfur-Galbeed waxaa ka socda abaabul doorashada Golaha Deegaanka iyo golaha Wakiilada. waxaa soo dooran doonnaa Shacabka. Laftagareen wali waxba kama dhihin waxa ka socda Baydhabo.
Taageerayaashii hore ee Laftagareen ayaa si gaar ah u muujinaya walaac, iyagoo sheegaya in hoggaamiyahoodii uusan wax fariin ah u dirin, xitaa si uu ugu mahadceliyo ama ugu macsalaameeyo.
Arrintan ayaa sii xoojisay dareenka niyad-jabka ee ka dhex muuqda qayb ka mid ah bulshada.
Wararka laga helayo gudaha gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamadii taageersanaa Laftagareen ay si tartiib tartiib ah uga baxeen magaalada Baydhabo, iyagoo markii hore u ruqaansaday deegaanka Awdiinle, kadibna halkaas ka sii dhaqaaqay ilaa ay gaareen gobolka Gedo.
Dhaqdhaqaaqan ayaa muujinaya kala daadsanaan iyo dib u gurasho ku timid ciidamadii hore, iyadoo aan jirin wax iska hor imaad weyn oo la soo sheegay intii ay socdeen.
Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in Laftagareen uusan wax hadal ah ka bixin xaaladda ciidamadan. Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo muujinaya inuu booqday, la kulmay, ama xitaa fariin u diray ciidamadii taageersanaa ee hadda ku sugan Gedo.
Aamusnaantaasi waxay abuurtay xaalad siyaasadeed oo mugdi ku jirta. Taageerayaashii hore, gaar ahaan ciidamadii garab istaagay, ayaa wali sugaya jihayn ama fariin ka timaada hoggaamiyahoodii. Sidoo kale, bulshada inteeda kale waxay isweydiinaysaa: maxaa ka dambeeya aamusnaantan dheer?