U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku baaqay kulan qaran oo masiiri ah

Maajo 2, 2026

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay kulan qaran oo muhiim ah oo lagu wado inuu qabsoomo 10-ka May 2026, kaas oo lagu falanqeyn doono arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Kulankan ayaa ka dhashay wada-tashiyo ballaaran oo uu madaxweynuhu la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Ujeeddadiisu waa in si furan oo daah-furan looga wadahadlo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, dowlad-dhiska iyo xoojinta midnimada qaranka.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo is-qancin iyo isu-tanaasul si wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro dhal ah, isla markaana ay uga soo baxaan go’aanno wax ku ool ah oo dalka hore u sii dhaqaajin kara.

Sidoo kale, wuxuu xusay in dowladda federaalku ay weli ka go’an tahay dhismaha hannaan siyaasadeed oo ku saleysan wadajir, is-afgarad iyo ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Kulankan la filayo inuu noqdo mid xasaasi ah ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo u baahan wada-hadal iyo go’aan mideysan.