Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa masuul ka tirsan Aqalka Cad, madaxweynaha Donald Trump ayaa soo jeediyay in muddo bilo ah la kordhiyo cunaqabateynta iyo go’doominta dhaqaale ee lagu hayo Iran, si loo wiiqo dhoofinta saliidda iyo ilaha dhaqaale ee dalkaasi.
Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu doonayo in si weyn loogu cadaadiyo Tehran, si ugu dambeyn loogu qasbo inay saxiixdo heshiis cusub oo la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka iyo arrimaha amniga gobolka.
Tallaabadan uu soo jeediyay Trump ayaa imaaneysa xilli xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan ay gaartay heer sare, iyadoo khubaradu ka digayaan in cunaqabateyn dheeraad ahi ay saameyn ku yeelan karto suuqyada tamarta ee caalamka iyo amniga marin-biyoodka Hormuz.
Trump oo qorshaynaya inuu kordhiyo muddada cunaqabateynta iyo go’doominta dekedaha Iiraan
Maajo 2, 2026