U bood dhigaalka

Trump:”waan burburinay wax walboo Iiraan ay haysatay”

Maajo 2, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay burburiyeen wax kasta oo yaallay gudaha Iiraan, isagoo xusay in howlgalkaasi uu ku dhacay taageero uu ku tilmaamay mid muhiim ah oo ka timid Israa’iil iyo sidoo kale cunaqabateyn dhaqaale oo la saaray wax dhoofinta Iiraan.

Hadalka Trump ayaa yimid xilli xiisadda gobolka Bariga Dhexe ay weli ay taagantahay xiisadda dagaalka Iiraan, iyadoo Washington ay sii waddo cadaadiska siyaasadeed, milatari iyo dhaqaale ee ka dhanka ah Tehran.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in Mareykanku uu weli wado cunaqabateynta iyo go’doominta dekedaha Iiraan, inkastoo dadaallo diblomaasiyadeed ay socdaan si xal loogu raadiyo colaadda.

hadalkan adag ee Trump ayaa ku soo beegmaya xilli aan weli la gaarin heshiis rasmi ah oo lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya Washington iyo Tehran, iyadoo xaaladda gobolka ay tahay mid xasaasi