Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in isu-socodka diyaaradaha dalkaasi uu si buuxda ugu soo laabtay xaaladdii caadiga ahayd, kadib markii la qaaday tallaabooyinkii taxaddarka ahaa ee la dhaqan-geliyay 28-kii February, xilliga ay cirka isku sii shareertay xiisadda dagaalka ee la xiriirta Iiraan.
Hay’adda Duulista Rayidka ee Imaaraadka ayaa sheegtay in go’aankan uu yimid kadib qiimeyn ballaaran oo lagu sameeyay xaaladaha amni iyo howlgal, iyadoo wada-shaqeyn lala sameeyay hay’adaha ay khuseyso.
Mas’uuliyiinta ayaa xusay in inkastoo xayiraadaha la qaaday, haddana la sii wadi doono kormeer joogto ah oo lagu ilaalinayo badqabka hawada iyo socdaalka diyaaradaha.
Go’aankan ayaa xoojinaya safarka gobolka Khaliijka, xilli dagaalka gobolka uu saameyn ku yeeshay isu-socodka hawada iyo ganacsiga caalamiga ah bilihii la soo dhaafay.
Dalalka Khaliijka oo caadiyaynaya hannaankooda Duulimaadyada ka dib xadidaad ka dhalatay dagaalka Iiraan
Maajo 3, 2026