U bood dhigaalka

Geeri iyo Cabsi: Wajiga Dhabta ah ee Saxaafadda Soomaaliya

Maajo 3, 2026

Maanta oo kale sanad walba waxaa dunida laga xusaa Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, taas oo ah maalin lagu xasuusto qiimaha ay leedahay xorriyadda hadalka iyo doorka muhiimka ah ee ay saxaafaddu ku leedahay bulshada.

Waxaa sidoo kale lagu iftiimiyaa caqabadaha iyo halista ay wajahaan dadka u halgama xaqiiqada iyo wacyigelinta.

Maalintan oo ku beegan 3-da May ayaa si rasmi ah loo ansixiyey sanadkii 1993, kadib dadaallo dheer oo ay hormuud ka ahayd UNESCO.

Ujeedadu waxay ahayd in dunida lagu baraarujiyo muhiimadda ay leedahay warbaahin xor ah, isla markaana la ilaaliyo xuquuqda wariyeyaasha.

Soomaaliya gudaheeda, inkastoo warbaahintu si weyn u kobacday labaatankii sano ee la soo dhaafay, haddana xorriyadda hadalka weli waxay wajahaysaa caqabado adag.

Wariyeyaashu waa codka bulshada, balse waxay inta badan ku shaqeeyaan xaalado amni oo halis ah. Hanjabaado joogto ah, weerarro toos ah, iyo cabsi joogta ah ayaa ka dhigaya shaqadooda mid u dhaxaysa geesinimo iyo halis nololeed.

Waxaa dhacda in wariye uu shaqo u baxo isaga oo aan hubin inuu si nabad ah ugu soo laaban doono gurigiisa.
Cadaadiska siyaasadeed iyo faragelinta warbaahinta ayaa sidoo kale qeyb weyn ka ah dhibaatada.

Waxaa jira wariyeyaal la xiro, la handado, ama lagu qasbo inay ka aamusan warar xasaasi ah. Tani waxay dhaawac ku tahay madaxbannaanida warbaahinta iyo xaqa shacabka u leeyahay helidda xog sax ah.
Dhanka qalabka iyo xirfadaha, wariyeyaasha badankood waxay la tacaalayaan agab duugoobay iyo tababarro xaddidan, taas oo ka hor istaagta inay la jaanqaadaan isbeddellada degdegga ah ee warbaahinta caalamka.

Sidoo kale, ma jiraan nidaamyo caymis ama badbaado oo ay ku tiirsanaan karaan marka ay halis galaan.

Marka laga yimaado arrimaha muuqda, waxaa jira culays nafsi ah oo joogto ah. Hanjabaad, sumcad dil, iyo dhaleeceyn joogto ah ayaa saameeya caafimaadka maskaxeed ee wariyeyaasha, iyagoo haddana sii wada shaqadooda si ay bulshada ugu adeegaan.

Xog laga soo xigtay Safe Somali Reporters ayaa muujinaysa heerka khatarta ee shaqada saxaafadda ee dalka ee la xiray Sanadkii hore.

Banaadir — 118
Somaliland — 36
Galmudug — 9
Koonfur Galbeed — 9
Puntland — 7
North Eastern — 3
Hirshabelle — 2
Jubaland — 1 (la dilay) – Abshir Khaliif Shidane

Ugu dambayn, iyadoo maanta dunidu u dabaaldegayso xorriyadda hadalka, waxaa muhiim ah in si gaar ah loo xasuusto xaaladda adag ee wariyeyaasha Soomaaliyeed.