U bood dhigaalka

Muxuu yahay hawlgalka halista badan ee lagu ammaanay booliska Koonfur Afrika ?

Maajo 4, 2026



Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu ammaanay kadib markii ay fuliyeen howlgal adag oo khatar badan, kaas oo lagu soo qabtay yaxaas la rumeysan yahay inuu liqay ganacsade muddo ka maqnaa qoyskiisa.


Saraakiisha ayaa sheegay in oggolaansho rasmi ah la bixiyay si yaxaaska loo dilo, ka hor inta aan xarig lagu xirin laguna qaadin diyaaradda qumaatiga u kaca si loo geeyo goob kale oo baaritaan lagu sameeyo.


Sargaal lagu magacaabo Captain John Potgieter ayaa fuliyay howlgalkaas oo booliisku ku tilmaameen mid aad u adag,  isla markaana khatar badan.


Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya isaga oo ka laalaada xarig laga soo dejiyay helicopter, isaga oo hawada ku sugan dhowr mitir, kadibna sugaya yaxaaska dhintay.


Yaxaaska ayaa laga helay webiga Komati, oo qiyaastii 60 mitir u jira halka laga helay gaariga ganacsadihi la waayay oo ay biyuhu qaadeen toddobaad ka hor.


Kooxaha gurmadka ee baarayay webiga ayaa toogtay yaxaaska ka hor intii aan howlgalka soo saaristiisa la bilaabin, ayadoo mas’uuliyiintu ay sidoo kale xaqiijiyeen in qaybo jir bani’aadam ah laga helay caloosha yaxaaska, kuwaas oo hadda lagu wado baaritaanka DNA-da si loo xaqiijiyo in ay yihiin ganacsadihii la waayay muddo ka badan toddobaad.


Dhacdadan ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Koonfur Afrika, iyadoo dad badan ay ku ammaaneen ciidamada gurmadka geesinimada iyo dadaalka ay muujiyeen.