Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa ku dhawaaqay howlgal cusub oo loogu magac daray “difaaca xorriyadda ”, kaas oo lagu sheegay in Maraakiibta ku xaniban marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz laga caawin doono inay si nabad ah uga gudbaan laga bilaabo maanta oo Isniin ah.
Suuqyada shidaalka iyo shirkadaha maraakiibta ayaan si weyn uga falcelin qorshahan, iyadoo qiimaha shidaalka nooca Brent uu subaxnimadii Isniinta joogay ku dhowaad $108.25 halkii foosto, taas oo au koror aad u yar oo dhan 0.08%, oo muujinaysa in maalgashadayaashu weli shaki ka qabaan in qorshahan uu xal degdeg ah u keeni karo qalalaasaha tamarta ee ka taagan gobolka.
Trump ayaa sheegay in Mareykanku xorayn doono maraakiibta ku xayiran gacanka, hase yeeshee ma uusan faahfaahin haddii howlgalkaasi ay ku jirto doono ilaalin militari oo ay sameeyaan ciidamada badda ee Mareykanka.
Dhanka kale, mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Iiraan ayaa si cad uga horyimid qorshahan, iyagoo sheegay in faragelin kasta oo Mareykan ah lagu tilmaami karo jebinta xabbad-joojintii jilicsanayd ee dhaqan gashay 7-dii April.
Muxuu yahay qorshaha cusub ee Trump uu ku wajahayo Marinka Hormuz ?
Maajo 4, 2026