Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in laba markab oo ganacsi oo wata calanka Mareykanka ay si guul leh uga gudbeen marinka muhiimka ah ee Hormuz, xilli xiisad militari iyo mid ganacsi ay weli ka taagan tahay gobolka.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, Trump ayaa sheegay in gudubka maraakiibtan uu qeyb ka yahay dadaallada Mareykanka ee lagu xaqiijinayo xorriyadda maraakiibta caalamiga ah iyo dib u soo celinta isu-socodka ganacsiga ee marin-biyoodkan istiraatiijiga ah.
Warbixinnadii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in isu-socodka maraakiibta marinka Hormuz uu weli yahay naadir ah marka loo eego heerarkii caadiga ahaa, iyadoo shirkado badan oo maraakiibta lehi ay weli ka walaacsan yihiin ammaanka iyo hubanti la’aanta ka jirta halkaas.
Hadalka Trump ayaa imanaya iyadoo marinka Hormuz oo ah marin ay maraan ku dhowaad shan meelood meel shidaalka dunida uu noqday bartamaha xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan, islamarkaana Mareykanku uu dhowaan ku dhawaaqay howlgal lagu magacaabay difaaca Xorriyadda oo maraakiibta looga gudbinayo marinka Hormuz.
Trump oo shaaciyay in maraakiib calanka Mareykanka wata ay ka gudbeen marinka Hormuz
Maajo 4, 2026