Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u eegayo qorshaha cusub ee Iiraan soo bandhigtay, balse wuxuu muujiyay shaki weyn oo ku saabsan suura-galnimada heshiis degdeg ah.
Trump ayaa sheegay in uusan rumeysneyn in qorshaha Tehran uu shaqeyn doono xilligan, isagoo ku andacooday in Iiraan aysan weli “bixin qiimo ku filan” oo ku khasbi kara inay aqbasho shuruudaha Mareykanka.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo istaraatiijiyadda Mareykanka ay si wanaagsan u socdaan, halka uu Iiraan ku tilmaamay dal si weyn loo wiiqay, isla markaana aad ugu baahan xal diblomaasiyadeed.
Trump ayaa intaas ku daray in Mareykanku uusan ka waaban doonin tallaabo militari haddii Tehran, sida uu yiri, si khaldan u dhaqanto.
Iiraan ayaa dhowaan soo bandhigtay qorshe ka kooban 14 qodob, kaas oo looga golleeyahay in dagaalka lagu soo afjaro muddo 30 maalmood ah, balse jawaabta Maraykanka ayaa u muuqata mid xaaladda uga sii daraysa.
Trump oo si adag uga jawaabay qorshaha cusub ee Iiraan
Maajo 4, 2026