U bood dhigaalka

Ruushka oo ku dhawaaqay xabbad-joojin ku meel gaar oo dagaalka Ukraine ku saabsan

Maajo 5, 2026



Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa shaacisay in Madaxweyne Vladimir Putin uu amar ku bixiyay xabbad-joojin ku-meel-gaar ah oo laga hirgeliyo furimaha dagaalka ee Ukraine inta u dhexeysa 8-da ilaa 9-ka May, xilli Ruushku isu diyaarinayo munaasabadda Maalinta Guusha ee sanad walba lagu xuso guushii laga gaaray Nazi-ga dagaalkii labaad ee aduunka.


Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in xabbad-joojintan loogu talagalay in lagu maamuuso maalinta taariikhiga ah, isla markaana Moscow ay rajeynayso in dhinaca Ukraine uu si la mid ah uga jawaabo tallaabadan.


Si kastaba, wasaaraddu waxay digniin cad u dirtay Kyiv, iyadoo sheegtay in haddii ciidamada Ukraine ay isku dayaan inay carqaladeeyaan dabaaldegyada Maalinta Guusha ama ay fuliyaan weerarro, Ruushku uu ka jawaabi doono si xooggan, oo ay ku jiri karaan duqeymo gantaallo oo ballaaran.


Go’aankan ayaa imanaya xilli dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu galay marxalad xasaasi ah, iyadoo beesha caalamka ay si dhow ula socoto haddii xabbad-joojintan ku-meel-gaarka ahi ay horseedi karto fursad dagaalka lagu joojin karo.