Magacaabistii ugu dambeysay ee uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre maanta ayaa dib u soo nooleysay doodda ku saabsan hirgelinta dastuurka cusub ee dalka, kadib markii Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud oo ah xildhibaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in magacaabistan lagu saleeyay qodobka 120-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyadoo sidoo kale la tixgaliyay hawlaha ballaaran ee horyaalla xukuumadda.
Si kastaba, magacaabistan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida dowladda u dhaqan-gelineyso dastuurka cusub ee wax laga beddelay.
Qodobada cusub ee dastuurka ayaa si weyn diiradda u saaraya kala madax-bannaanida hay’adaha dowladda, gaar ahaan fulinta iyo sharci dejinta.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in nidaamka cusub uu xaddidayo in xildhibaan firfircoon loo magacaabo wasiir isaga oo aan marka hore lumin xubinnimadiisa baarlamaanka.
Hase yeeshee, magacaabista Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa muujineysay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wali si rasmi ah ugu dhaqmin dastuurka cusub, maadaama habraacyadii hore ee siyaasadda iyo awood qeybsiga ay weli muuqdaan kuwo shaqeynaya.
Magacaabista Wasiirka cusub ee Warfaafinta ayaa sidoo kale dib usoo nooleysay dood sharciyeed ku saabsan dhaqangelinta dastuurka cusub ee dalka.
Qodobka 84-aad ee dastuurka la ansixiyay, gaar ahaan farqaddiisa (f), ayaa dhigaya in xubinta Baarlamaanka Federaalka ay lumin karto xubinnimadeeda marka ay aqbasho “xil kale oo dowladeed ee heerarka kala duwan ee dowladda.
Falanqeeyayaal siyaasadeed iyo sharciyaqaano ayaa qaba in qodobkan si toos ah u tilmaamayo in xildhibaan aan isla mar ahaantaana sii ahaan karin wasiir, maadaama wasiirnimadu tahay xil fulineed oo ka tirsan dowladda. Hase yeeshee, magacaabista Cabdifataax Qaasim Maxamuud oo ah xildhibaan loo magacaabay wasiir ayaa muujineysa in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wali si rasmi ah ugu dhaqmin qodobada cusub ee dastuurka la ansixiyay.