Mareykanka ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay howlgalka militari ee uu ugu magac daray “Difaaca Xorriyadda ”, kaas oo loogu talagalay in maraakiibta ku xaniban marin-biyoodka Hormuz looga gudbiyo, sida uu shaaciyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in go’aankan lagu gaaray kadib codsiyo uga yimid dalal ay ka mid tahay Pakistan, iyo sidoo kale horumar laga sameeyay wada-hadallada heshiis kama dambeys ah lagula gaarayo Iirasn.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in inkastoo xayiraadda saaran marinka Hormuz ay wali sii socoto, haddana howlgalkan si kooban ayaa loo hakiyay si loo qiimeeyo in heshiiska lala galayo Iiraan la dhameystiri karo, islamarkaana la saxiixi karo.
Dhanka kale, Iran weli kama aysan hadlin si rasmi ah warkan kasoo baxay Aqalka Cad, ayadok go’aankan uu kusoo beegmaya xilli xiisad militari ay ka taagan tahay gobolka.