Dowladda North Korea ayaa markale ku celisay inay si rasmi ah uga baxday heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga faafinta hubka nukliyeerka ee loo yaqaan NPT, iyadoo sheegtay inaysan jirin wax cadaadis dibadeed ah oo beddeli kara awooddeeda nukliyeerka.
Hadalkaas waxaa sheegay safiirka Waqooyiga Kuuriya u fadhiya Qaramada Midoobay, Kim Song, xilli uu ka socdo xarunta Qaramada Midoobay shir dib loogu eegayo heshiiska Nuclear Non-Proliferation Treaty (NPT).
Safiirka ayaa sheegay in dalal uu hoggaaminayo Mareykanka ay si aan sal iyo raad lahayn u dhaliilayaan barnaamijka nukliyeerka ee Pyongyang, balse wuxuu sheegay in xaaladda dalkiisa ee quwadda nukliyeerka aysan waxba ka beddeli karin hadallo dibadeed ama rabitaan dalal kale leeyihiin.
“Waqooyiga Kuuriya marnaba kuma xirnaan doonto heshiiska NPT xaalad kasta ha noqotee,” ayuu yiri Kim Song sida ay baahisay wakaaladda wararka dowladda ee KCNA.
North Korea ayaa ka baxday heshiiska NPT sanadkii 2003, waxaana tan iyo markaas ay sameysay lix tijaabo oo nukliyeer ah, taasoo sababtay cunaqabateynno culus oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kusoo rogay.
Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay inay ka baxday heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga faafinta hubka nukliyeerka
Maajo 7, 2026