U bood dhigaalka

Turkiga oo qorshaynaya soo saarista tangaal casri ah oo nooca qaaradaha isaga gudba ah

Maajo 7, 2026


Dowladda Turkey ayaa si rasmi ah u shaacisay mashruuca gantaalka riddada dheer ee loo bixiyay “Yıldırım Khan”, kaas oo lagu sheegay inuu yahay gantaalkii ugu horreeyay ee Turkiga ee heer qaarado isaga gudbi kara ah.

Mashruucan oo muujinaya horumar weyn oo dalka Turkigu ka sameeyay tiknoolajiyadda difaaca iyo awoodda gantaallada casriga ah, ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo gobolka uu wajahayo xiisado dagaal iyo xasillooni darro.

Sida lagu baahiyay warbixin ay daabacday Al Jazeera, gantaalkan cusub ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda istaraatiijiyadeed ee Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca, ka hortagga khataraha amni iyo xoojinta saameynta milatari ee gobolka iyo caalamkaba.

Khubarada arrimaha ammaanka ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay Turkiga ka dhigayso mid sii xoojinaya tartanka hubka casriga ah, xilli dalal badani ay kordhinayaan maalgashiga tiknoolajiyadda militari.

Sawirrada la baahiyay ayaa muujinaya naqshadda hordhaca ah ee gantaalkan oo wata astaanta calanka Turkiga, taas oo soo jiidatay indhaha warbaahinta caalamka.