Doorashada qof iyo codka ah ayaa si rasmi ah uga bilaabatay deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo shacabka si weyn ugu soo baxeen goobaha codbixinta si ay u dhiibtaan codkooda.
Doorashadan ayaa ka dhacaysa 13 degmo iyo 91 xarumood oo codbixineed, waxaana la diiwaangeliyay 376,212 codbixiye oo maanta dooranaya goleyaasha deegaanka iyo wakiillada maamulka.
Magaalada Baydhabo ayaa ah halka ugu weyn ee laga dareemayo dhaq-dhaqaaqa doorashada, iyadoo goobaha codbixinta lagu arkayo safaf dhaadheer iyo diyaar-garow amni oo xooggan.
Doorashadan qof iyo codka ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo ku wajahan dimuqraadiyadda iyo ka qeybgalka shacabka ee maamulka deegaannadooda.