Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, isaga oo si gaar ah diiradda u saaray doorashooyinka qof iyo cod ee saaka si rasmi ah uga bilowday deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinka ka socda Koonfur Galbeed ay yihiin tallaabo muhiim ah oo dalka loogu gudbinayo hannaan dimuqraadi ah, isagoo bogaadiyay shacabka ka qeybgalaya codbixinta iyo hay’adaha amniga ee sugaya amniga goobaha doorashada.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta xasilloonida caasimadda iyo ka hortagga wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga guud ee dalka.
Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay gogosha wadatashiga qaran ee ay dowladdu u fidisay siyaasiyiinta Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ka qeyb qaataan wada-hadalka iyo heshiisyada lagu xoojinayo dowladnimada iyo geeddi-socodka doorashooyinka dalka.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa si adag uga horyimid banaanbaxyada laga ka dhacay maanta Muqdisho, isagoo sheegay in aan la aqbali karin falal horseedi kara qalqal amni ama xaalado carqaladeyn kara nabadda iyo howlaha dowladnimo ee socda.
Madaxweynaha ayaa xusay in xorriyadda aragtida iyo siyaasadda ay bannaan tahay, balse loo baahan yahay in lagu dhaqmo si waafaqsan sharciga iyo ilaalinta amniga shacabka Soomaaliyeed.