U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Ka Digay Faafinta Natiijooyin Aan Rasmi Ahayn Iyadoo Tirinta Codadku Socoto

Maajo 11, 2026

Guddoomiyaha Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in cid kasta oo baahisa natiijooyin aan si rasmi ah uga soo bixin Guddiga Doorashooyinka ay wajihi doonto tallaabooyin waafaqsan sharciga dalka.

Guddoomiyaha ayaa shacabka, siyaasiyiinta iyo warbaahinta ugu baaqay inay sugaan natiijooyinka rasmiga ah ee kasoo baxaya Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo xusay in weli ay socoto tirinta codadka doorashooyinka ka dhacay qaar kamid ah deegaanada dalka.

“Cid kasta oo baahisa natiijo aan ka soo bixin Guddiga waxay wajihi doontaa tallaabooyin waafaqsan sharciga dalka u yaalla,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale sheegay in howsha tirinta codadka ay si habsami leh u socoto, isla markaana marka la dhameystiro si rasmi ah loo shaacin doono natiijooyinka doorashada.