U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh” doorashada Koonfur Galbeed waxaa suurta-gal ah in dad naga soo horjeeday ay ku soo baxaan”

Maajo 11, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, oo ka hadlay doorashooyinka ka socda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in doorashadaas ay kusoo bixi karaan shaqsiyaad ama kooxo siyaasadeed oo ka aragti duwan xukuumaddiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintaasi aysan ahayn wax laga walaaco, balse ay tahay astaanta dhabta ah ee nidaamka dimuqraadiyadeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalku ay ka go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed helaan fursad ay si xor ah ugu doortaan hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dalka uu si rasmi ah ugu jihaystay hirgelinta nidaamka doorashooyinka tooska ah, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo dib u soo celin karta kalsoonida shacabka iyo ka qeybgalka siyaasadeed.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli doorashadii ugu horreysay oo qof iyo cod ahi ay  saacado ka hor ka dhacday deegaannada Koonfur Galbeed, islamarkaana lagu soo dooranayo goleyaasha deegaannada, baarlamaanka, iyo hoggaanka maamulkaas.