U bood dhigaalka

Maxaad ka ogtahay saldhigga militari ee Israa’iil ay sida qarsoodiga ah uga samaysatay gudaha Ciraaq intii uu socday dagaalka Iiraan ?

Maajo 12, 2026


Warbixinno ay warbaahinta dunidu hadal-heyso ayaa sheegaya in gobolka Najaf ee dalka Ciraaq, gaar ahaan saxaraha baaxadda leh ee gobolkaasi uu noqday goob ay ka dhaceen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan caadi ahayn, kuwaas oo dhalisay hadal-heyn siyaasadeed iyo mid amni.

Sida uu baahiyay wargeyska The Wall Street Journal, deegaanka saxaraha Najaf oo aad uga fog goobaha shacabka iyo kaamirooyinka kormeerka, ayaa la sheegay Israa’iil ay ka samaysatay saldhig militari oo qarsoodi ah, kaas oo laga hagayay hawlgallada dhanka cirka ee ka dhanka ah Iiraan.

Wararku waxay sheegayaan in 4-tii bishii Maarso ee sanadkan, nin ari-ijire Ciraaqi ahi uu arkay dhaqdhaqaaq ciidan oo aan caadi ahayn, oo ay ku jireen ciidamo gaar ah iyo diyaarado helicopter ah oo aan la aqoonsan, kadibna uu xogtaasi la wadaagay ciidamada amniga.

Ciidamada Ciraaq ayaa la sheegay inay goobta u direen cutubyo baaritaan iyo sahamin ah, iyadoo taliye ku-xigeenka ciidamada hawlgallada wadajirka ah, Qais Al-Muhammadawi, uu xilligaas xaqiijiyay in ciidamo dhulka ku sugnaa ay u muuqdeen kuwo fulinayay howl gaar ah oo ku-meel-gaar ah.

Dhanka kale, wargeyska ayaa soo xigtay saraakiil Mareykan ah oo sheegay in Israa’iil ay dhistay saldhiggan kahor bilaabashadii xiisadda militari, iyadoo arrintaasi la sheegay inuu ogaa Mareykanku.

Saxaraha Najaf ayaa juqraafi ahaan qiyaastii 500-km keliya u jira gudaha Iiraan, taas oo ka dhigaysa meel istaraatiiji ah marka loo eego masaafada u dhexeysa Tel Aviv iyo bartilmaameedyada la tuhunsan yahay.

Si kastaba, ilo amni oo Ciraaqi ah ayaa warbaahinta u sheegay in wixii dhacay ay ahaayeen dhaq-dhaqaaqyo militari oo ku-meel-gaar ah oo markii dambe la xakameeyay, iyagoo si cad u beeniyay jiritaanka saldhig shisheeye oo joogto ah gudaha saxaraha Najaf.

Warkan ayaa dood xooggan ka dhaliyay baraha bulshada ee Ciraaq, iyadoo dad badan ay su’aalo ka keeneen heerka amniga hawada iyo dhulka dalkaasi.