U bood dhigaalka

Trump muxuu ka yiri Xiisadda militari ee Shiinaha iyo Twain ee Todobaadkan booqanayo Beijing?

Maajo 12, 2026



Mareykanka iyo Shiinaha ayaa wajahaya wejigii ugu dambeeyay ee xiisadda ku saabsan hubka laga iibiyo Taiwan, kadib markii Donald Trump uu shaaciyay inuu si toos ah arrintan ugala hadli doono Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping inta lagu guda jiro booqashadiisa magaalada Beijing toddobaadkan.

Trump ayaa sheegay in Xi uu si cad uga soo horjeedo in Washington ay hub dheeraad ah siiso Taiwan, balse uu arrintaas kala hadli doono hoggaamiyaha Shiinaha, isagoo xusay inay ka mid tahay qodobada ugu muhiimsan ee ajandaha kulankooda.

Dhinaca kale, maamulka Taiwan ayaa dhawaan ansixisay miisaaniyad dheeraad ah oo gaareysa balaayiin doollar oo loogu talagalay xoojinta difaaca iyo iibsashada hubka Mareykanka, taasoo muujinaysa walaaca sii kordhaya ee jasiiraddu ka qabto cadaadiska militari ee Shiinaha.

Saraakiisha Taipei ayaa sidoo kale sheegay inay rajeynayaan inaan wax lama filaan ah  kasoo bixin wada-hadallada Trump iyo Xi, maadaama natiijada kulankaasi ay saameyn weyn ku yeelan karto amniga gobolka Indo-Pacific.

Hadalka Trump ayaa durba dhaliyay dood siyaasadeed gudaha Washington, iyadoo qaar ka mid ah khubarada siyaasadda arrimaha dibadda ay sheegeen in wada-hadal toos ah oo lala yeesho Beijing oo ku saabsan hubka Taiwan uu taaban karo ballanqaadyo hore oo Mareykanku siiyay Taiwan, xilli gobolka uu wajahayo tartan istiraatiiji ah oo sii xoogeysanaya.