Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay in RS-28 Sarmat oo uu Ruushku ku tilmaamo gantaalka nukliyeerka ee ugu awoodda badan dunida la gelin doono adeeg rasmi ah dhammaadka sanadkan, kadib tijaabo cusub oo lagu sheegay inay guuleysatay.
Hadalka Putin ayaa imanaya kadib sanado ay mashruucan la kulmay dib-u-dhac farsamo iyo tijaabooyin fashilmay, ayadoo gantaalka Sarmat, ay mararka qaar warbaahinta reer galbeedku ugu yeeraan mid loogu talagalay inuu beddelo nidaamkii hore ee gantaallada culus ee Midowgii Soofiyeeti, waxaana Moscow ay sheegtay inuu awood u leeyahay inuu qaado madaxyo nukliyeer badan, isla markaana ka gudbi karo nidaamyada difaaca gantaallada ee hadda jira iyo kuwa mustaqbalka.
Taliyaha ciidamada gantaallada istaraatiijiga ah ee Ruushka, Sergei Karakayev, ayaa sheegay i Sarmat uu si weyn u kordhin doono awoodda ka hortagga iyo weerarka ee ciidamada nukliyeerka Ruushka.
Si kastaba, falanqeeyayaal reer galbeed ah ayaa xusay in mashruucan uu horey ula kulmay caqabado farsamo iyo dib-u-dhacyo badan, taas oo keentay su’aalo ku saabsan jadwalka dhabta ah ee hawlgelintiisa.