U bood dhigaalka

Imaaraadka oo beeniyay booqasho qarsoodi ah oo la sheegay inuu dalkaas ku tagay Netanyahu

Maajo 14, 2026

Dawladda isugu tagga Imaaraadka ayaa si rasmi ah u beenisay war kasoo baxay Israa’iil ee sheegayay in Benjamin Netanyahu uu booqasho qarsoodi ah ku tegay dalkaas xilligii uu socday dagaalka u dhexeeyay Israa’iil iyo Iiraan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka ayaa sheegtay in wararka la faafiyay ay yihiin waxba kama jiraan, iyadoo caddeysay inaanu dalkaasi martigelin Netanyahu ama wafdi militari oo Israa’iili ah muddadii colaadda Iiraan.

Dowladda Abu Dhabi waxay xustay in xiriirka kala dhexeeya Israa’iil uu yahay mid furan oo lagu dhisay heshiisyadii Abraham Accords, isla markaana aanu ku dhisnayn kulamo qarsoodi ah ama heshiisyo aan la shaacin.

Arrintan ayaa timid kadib markii maamulka Israa’iil uu shaaciyay in hoggaamiyaha Israa’iil uu bishii Maarso safar qarsoodi ah ku tagay Imaaraadka, islamarkaana uu la kulmay Madaxweynaha dalkaas, Sheikh Mohammed bin Zayed, isagoo ku tilmaamay kulankaas horumar taariikhi ah oo ku saabsan xiriirka labada dhinac.