U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo rajo ka muujiyay heshiis doorasho oo Soomaaliya laga gaaro

Maajo 15, 2026

Diblumaasiyiin Caalami ah oo rajo ka muujiyay in maanta laga gaaro heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay in dalku galay marxalad siyaasadeed cusub.

Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegtay in wada-hadallada socda ay diiradda saarayaan sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo “macquul ah isla markaana loo dhan yahay”, si codka haweenka iyo dhalinyarada ay uga dhex muuqdaan geeddi-socodka siyaasadeed.

Waxay sidoo kale muujisay rajada laga qabo in maanta lasoo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo lagu caddeynayo jadwalka kala-guurka iyo hannaan nabadeed oo lagu wajahayo doorashooyinka dalka.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan kulamo u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka ka taagan doorashada iyo jihada siyaasadeed ee dalka.