Soomaaliya waxay wajahaysaa mid kamid ah marxaladihii siyaasadeed ee ugu adkaa sanadihii ugu dambeeyay, kadib markii uu fashil kusoo dhammaaday shirkii dowladda Federaalka iyo mucaaradka, isla markaana ay sii xoogeysatay doodda ku saabsan doorashada, dastuurka iyo muddo-xileedka dowladda.
Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa sheegay in muddo-xileedka dowladda uu ku egyahay 15-ka May 2027, isagoo sheegay in wax ka bedelka dastuurka lagu qeexay muddo xileed shan sano ah.
Hadalkaas ayaa si weyn uga dhex muuqday doodaha siyaasadeed, wuxuuna yimid xilli mucaaradku ay horey uga biyo diideen isbeddellada dastuurka iyo qorshaha dowladda ee doorashada qof iyo codka ah.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale si rasmi ah u shaacisay in dalka uu galay marxalad loo guurayo nidaam dimuquraadi ah oo ku saleysan doorasho qof iyo cod ah.
Dowladda waxay ku doodaysaa in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay si toos ah u doortaan hoggaankooda, islamarkaana laga gudbo nidaamkii awood qeybsiga ku dhisnaa ee soo jiray.
Si kastaba, mucaaradka ayaa qaba aragti ka duwan tan dowladda. Waxay ku eedeeyeen dowladda inay isku dayeyso muddo kororsi siyaasadeed iyo inay kaligeed go’aan ka gaareyso arrimo qaran oo u baahan heshiis siyaasadeed oo ballaaran.
Kadib fashilka shirkii Xalane, mucaaradku waxay ku baaqeen wadatashi cusub oo ka madax bannaan dowladda Federaalka, si loo helo madal lagu heshiin karo.
Khilaafka hadda taagan ma ahan oo keliya mid siyaasadeed, balse wuxuu taabanayaa mustaqbalka nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.
Dowladda waxay rabtaa in dalka loo raro nidaam dimuquraadi ah oo casri ah, halka mucaaradku ay ka digayaan in isbeddel kasta uu u baahan yahay kalsooni siyaasadeed, amni iyo heshiis qaran oo loo dhan yahay.
Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in cakirnaanta siyaasadeed ay saameyn ku yeelato amniga dalka, iyadoo Al-Shabaab ay weli dagaallo ka waddo qeybo kamid ah Soomaaliya.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in kala qeybsanaanta siyaasadeed ay wiiqi karto dadaallada amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan.
Beesha Caalamka ayaa si dhow ula socota xaaladda, waxayna marar badan ku baaqeen wada-hadal iyo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in Soomaaliya ay gashay “marxalad siyaasadeed cusub,” iyadoo rajo ka muujisay in la gaaro heshiis ku saabsan hannaanka doorashada iyo kala-guurka siyaasadeed.
Ugu dambeyn, Soomaaliya waxay taagan tahay meel xasaasi ah. Haddii dhinacyada siyaasadda ay ku guuleystaan inay helaan is-afgarad, waxaa suuragal ah in dalka uu galo marxalad cusub oo dimuquraadi ah. Hase yeeshee haddii khilaafka sii bato, waxaa kordhi kara khatarta jahwareer siyaasadeed iyo qalalaase amni.