Izz al-Din al-Haddad ayaa maalmahan si weyn loogu hadal hayaa warbaahinta gobolka, asagoo kamid ah hoggaanka ugu sarreeya ee garabka milatari ee ururka Xamaas, gaar ahaan guutada Izz ad-Din al-Qassam.
Hadal-haynta ninkan ayaa warbaahinta qabsaday warbaahinta qabsatay ka dib markii la sheegay in maalmo ka hor duqeyn lagu bartilmaameedsaday goob uu ku sugnaa.
Al-Haddad, oo sidoo kale loo yaqaan “Abu Suhaib,” ayaa la rumeysan yahay inuu ku biiray dhaqdhaqaaqa Xamaas dabayaaqadii sideetamaadkii, xilligaas oo uu kasoo bilaabay howlo ciidan oo hoose, balse muddo kadib usoo gudbay jagooyin sare oo dhinaca hoggaaminta ah.
Warbixinno amni iyo warbaahineed ayaa sheegaya in uu kaalin muhiim ah kasoo qaatay qorsheynta iyo hagidda howlgallada militari ee ka dhacay marinka Qasa sanadihii lasoo dhaafay, isagoo ugu dambeyn noqday taliye sare oo ka tirsan ciidamada Al-Qassam.
Magaciisa ayaa si gaar ah usoo baxay kadib markii hoggaamiyeyaal badan oo sar sare lagu dilay weerarro xiriir ah, taasoo keentay in loo arko mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu saameynta badan ee wali ka dhex muuqda garabka militari ee Xamaas.
Al-Haddad waxaa lagu yaqaannaa inuu ka fog yahay warbaahinta, iyadoo sawirro iyo muuqaallo kooban oo isaga laga hayo ay jiraan, arrintaas oo sababtay in warbaahinta Carabta qaarkeed ku tilmaamaan “hoggaamiyaha qarsoon ee Qassam.”
Maamulka Israa’iil ayaa dhankeeda ku eedeysay inuu kaalin ku lahaa qorsheynta weerarkii dhacay 7-dii October 2023, inkastoo eedeymahaas ay kasoo baxeen ilo amni oo Israa’iili ah.
Maalmihii ugu dambeeyay, magaca Al-Haddad ayaa markale soo baxay kadib warar sheegaya in lagu bartilmaameedsaday duqeymo ka dhacay Gaza, hase yeeshee illaa hadda ma jirto xaqiijin madax-bannaan oo si rasmi ah u caddeyneysa xaaladdiisa.