U bood dhigaalka

Iiraan oo shaacisay inay lacag jid maris ah ka qaadayso maraakiibta ka gudbaya marinka Hormuz

Maajo 17, 2026

dowladda Iiraan ayaa shaacisay inay dhowaan soo bandhigi doonto qorshe cusub oo lagu maamulayo isu-socodka maraakiibta marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz, iyadoo qorshahaas lagu dari doono lacag marin ah oo laga qaado maraakiibta isticmaasha marinkaasi.

Go’aankan ayaa yimid xilli Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu digniin adag u diray Tehran, isaga oo sheegay in Iiraan ay wajihi doonto waqti aad u xun haddii aan heshiis nabadeed degdeg ah la gaarin.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa sheegay in dunidu ay taagan tahay albaabka nidaam cusub oo caalami ah, taas oo muujinaysa kalsoonida Tehran ee wada-hadallada socda.

Marin biyoodka Hormuz ayaa noqday xuddunta loolanka labada dhinac, ayadoo tallaabooyinka iska soo horjeeda ee ay labada dhinac qaadayaani ay saamayn taban ku yeesheen ganacsiga iyo qiimaha shidaalka caalamka.