U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare oo Beenisay Ansixinta Natiijooyinka Doorashada Koonfur Galbeed

Maajo 18, 2026

Waxaa cirka isku shareeray muranka ka dhashay doorashadii Golaha Wakiillada ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii Maxkamadda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u shaacisay inaan wali loo gudbin natiijooyinka doorashadaasi si ay u ansixiso.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxkamadda Sare 18-ka May 2026 ayaa lagu sheegay in ilaa hadda aysan jirin wax natiijo doorasho ah oo si rasmi ah loogu gudbiyey Maxkamadda, taas oo keentay in aysan jirin wax ansixin ah oo la sameeyey.

Hadalka Maxkamadda Sare ayaa yimid maalin kadib markii Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) uu ku dhawaaqay inuu dib u dhigayo ku dhawaaqista kama dambaysta ah ee natiijooyinka doorashada Koonfur Galbeed, si loo sugo go’aanka Maxkamadda Sare.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in tallaabadan ay waafaqsan tahay qodobbo ka mid ah Sharciga Doorashooyinka, kuwaas oo dhigaya in Maxkamadda Sare ay awood u leedahay ansixinta natiijooyinka doorashooyinka lagu muransan yahay.

Sidoo kale, GMDQS wuxuu caddeeyey in jadwalkii hore ee doorashooyinka uu sii socon doono marka jawaabta Maxkamadda Sare la helo, gaar ahaan doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.