Ilo amni iyo saraakiil dowladeed ayaa shaaca ka qaaday in Pakistan ay u dirtay Sucuudi Carabiya cutubyo milatari oo waaweyn, oo ay ku jiraan diyaarado dagaal, ciidamo lugta ah iyo nidaamyo difaac cirka ah, xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xiisad ka dhalatay dagaalka lala xiriirinayo Iiraan.
Warbixin gaar ah oo ay daabacday Reuters ayaa sheegaysa in Islamabad ay dirtay ku dhowaad 8,000 askari, hal squadron oo ka kooban qiyaastii 16 diyaaradood oo JF-17 ah, labo cutub oo drones ah, iyo nidaamka difaaca cirka ee HQ-9, kuwaas oo dhammaantood ay maamulayaan ciidamada Pakistan, halka maalgelinta howlgalka ay bixinayso Sacuudiga.
Ilo wareedyadu waxay tilmaameen in ciidamadan loo diyaariyay inay taageeraan difaaca Sacuudiga haddii weerarro kale ka yimaadaan Iiraan ama xulafadeeda, inkastoo si rasmi ah loogu sheegay inay qabanayaan shaqooyin tababar iyo la-talin militari.
Heshiiska difaaca ee labada dal oo la saxiixay sanadkii hore ayaa oggolaanaya in tirada ciidamada Pakistan ee Sacuudiga la gaarsiin karo ilaa 80,000 askari haddii xaaladdu sii xumaato.
Tallaabadan ayaa muujinaysa xoojinta xiriirka militari ee u dhexeeya Pakistan iyo Sacuudiga, iyadoo Islamabad isla waqtigaas kaalin dhexdhexaadin ah ka ciyaareyso dadaallada lagu dejinayo colaadda gobolka.