Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadalladii dhawaan dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud uu soo dhaweynayo diyaar garowga labada dhinac ee wada-hadalka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan wada-xaajoodka si loo gaaro heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha la xiriira.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale muujisay muhiimadda ay leedahay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay ku gaaraan is-afgarad wadajir ah oo lagu xoojinayo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu hubinayo hannaan doorasho oo loo dhan yahay.
Warkan ayaa imanaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha iyo khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira nooca doorashooyinka dalka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.