Arseraal oo ka mid ah kooxaha ugu faca weyn uguna kubbadda qurxoon ee horyaalka Ingriiska ayaa xaqiijisay hanashada horyaalkeedii 14aad, kadib barbar dhacii ay gashay kooxa Manchester City oo kula loollameysay horyaalka.
Markii ugu dambeysay Arsenal ay qaaddo horyaalka Ingiriiska waxa ay aheyd xilligii uu hooggaaminayay sanaddii 2004tii markaas oo ay qaadeen iyaga oo aan dhinacooda dhulka la dhigin, waana kooxda kaliya ee taariikhda horyaalka Ingiriiska sidaa sameysay.
Tababaraha haatan hoggaamiya kooxda ee Arteta oo ah ciyaaryahan horay ugu soo ciyaaray kooxda ayaa ku hoggaamiyay kooxda guushan muhiimka oo ay sugayeen 22 sano.
Sidoo kale waxa uu heystaa fursad uu kooxda ku kooxda ugu qaadi karo tartanka caanka ah ee Champions League oo ay kooxdu qaadin intii ay jirtay taariikhda marka uu 30 bishan uu wajaho kooxda PSG ee dalka France.