U bood dhigaalka

Wiilasha Xulka kubbadda cagta Soomaaliya ee Ocean Stars oo wajihi doona dalalka Ghana iyo Ivory Coast is reebreebka tartanka Afcon 2027

Maajo 20, 2026

Munaasabadda isku aadka is reebreebka tartanka Afcon 2027 oo maalintii shalay ka dhacday magaalada Qaahira ee dalka Masar ayay Soomaaliya gashay guruubka C, waxaana ku wehli doona dalalka Ghana oo afar jeer qaaday tartankan, Ivory Coast oo seddex jeer qaaday iyo Gambia, kadib qori tuur uu sameeyay Xiriirka Kubbadda Cagta ee Afrika loona soo gaabiyo CAF.

Isku aadkan Soomaaliya waxa ay uga dhigan tahay guul taariikhi ah, waana markii ugu horreysay ee soo gaarto isreeb-reebka heerka guruubyada. Tani ayaa ku timid dadaal joogto ah oo muddooyinkii dambe sameeynayay xulka, isaga oo gaaray guulo la taaban karo.

Xiriirka CAF ayaa sheegay in 48 waddan loo asteeyay 12 guruub, taas oo ka dhigan in guruubkiiba ay ku jiraan 4 waddan, waxaana soo gudbi doona labada waddan ee ugu sarreysa guruub walba. Soomaaliya waxa gashay guruub lagu tilmaami karo guruubka dhimashada, haseyeeshee waxa aan u rajeyneyna wiilasheenna nasiib wacan.

Tartanka sanadkaan waxaa si wadajir ah u martigelin doona dalalka Geeska Afrika ee kala ah Kenya, Tanzania iyo Uganda. Waxa uuna qabsoomi doonaa 19ka Juun illaa iyo 17ka Julaay 2027.