Weerar hubeysan oo ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada San Diego ayaa sababay dhimashada saddex qof, iyadoo waardiye amni oo lagu magacaabi jiray Amin Abdullah lagu tilmaamay geesi badbaadiyay nolosha dad badan kadib markii uu ka hortagay weerarka.
Booliska ayaa sheegay in Amin Abdullah, oo ahaa aabbe leh sideed carruur ah kana shaqeynayay xarunta Islamic Center of San Diego, uu si toos ah uga hor tagay laba dhalinyaro ah oo weerarka fuliyay xilli ay isku dayayeen inay gudaha u galaan masaajidka.
Sidoo kale waxa uu dhaqaajiyay nidaamka xiritaanka degdegga ah ee xarunta, taas oo la sheegay inay badbaadisay cibaadeysanayaal badan oo ay ku jireen carruur dhigata iskuulka ku xiran masaajidka.
Taliyaha Booliska San Diego, Scott Wahl, ayaa sheegay in tallaabada Abdullah ay si weyn uga hortagtay khasaaro dheeraad ah, waxa uuna sheegay in labada weeraryahan oo da’doodu ahayd 17 iyo 18 jir ay rasaas fureen xilli ay isku dayayeen inay gudaha u galaan xarunta, kadibna meydadkooda laga helay goobta iyadoo loo maleynayo inay isdileen.
Labada qof ee kale ee weerarka ku dhintay ayaa lagu kala magacaabay Mansour Kaziha iyo Nader Awad, sida ay xaqiijisay xarunta Council on American-Islamic Relations San Diego.
Saraakiisha baaritaanka wada ayaa sheegay in dhacdadan loo baarayo suuragalnimada inay tahay weerar naceyb ku saleysan, ayadoo booliska ay tilmaameen in hadallo naceyb iyo fikrado xagjirnimo ah ay qeyb ka ahaayeen weerarka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta dhabta ah.