Wararka ka imanaya marinka Gaza ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Israa’iil ay xalay gacanta ku dhigeen sama-falayaal saarnaa doomo gargaar siday oo ku sii jeeday Gaza.
Ciidamada ayaa dadkaas ula dhaqamay si ka baxsan bini’aadannimada , iyadoo muuqaal si weyn uu faafiyay uu muujinayo qaar kamid ah dadkaasi oo gacmaha laga xiray laguna amray inay jilba joogsadaan.
Muuqaalka oo uu baahiyay Itamar Ben-Gvir ayaa lagu arkayay wasiirka amniga qaranka Israa’iil oo sita calanka Israa’iil, islamarkaana ku dhex socda goobta lagu hayo dadka la qabtay isagoo hadallo jees-jees ah ku oranaya qaar kamid ah maxaabiista.
Wuxuu ku dhawaaqayay “Dadka Israa’iil way nool yihiin,” isagoo wajiga ugu dhawaaqaya mid kamid ah dadka la xiray, waxaana falkaas aad u cambaareeyay dalal iyo masuuliyiin uu xitaa ku jiro ra’iisul wasaaraha Israa’iil.
Doomahab oo la sheegay inay ka koobnaayeen ku dhawaad 50 doon ayaa ka shiraacday dalka Turkey, waxaana saarnaa in ka badan 400 qof oo u ololeeya arrimaha bani’aadannimada kana kala socday 40 dal.
Falalkan ayaa dhaliyay cambaareyn caalami ah, iyadoo dowlado ay kamid yihiin Spain, Ireland, United Kingdom, Canada, Germany, Italy iyo Netherlands ay walaac ka muujiyeen xarigga muwaadiniintooda ku jiray safarka gargaar.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo safiirka Maraykanka ee Israa’iil Mike Huckabee ayaa la sheegay inay si gaar ah uga fogaadeen falalka lagu eedeeyay wasiirka amniga qaranka, iyagoo soo saaray bayaano cambaareyn ah.
Dhanka kale, baraha bulshada ayaa waxaa si weyn uga socda dood iyo carro ay muujinayaan dad badan oo Yuhuud iyo kuwa aan Yuhuud ahaynba, kuwaas oo sheegay in habdhaqanka dowladda Israa’iil uusan ahayn mid caalamku sii aqbali karo.
Xubno kamid ah dadka saarnaa doomaha ayaa sheegay in inkastoo si adag loola dhaqmay, haddana xaaladdooda aan la barbar dhigi karin dhibaatada ba’an ee ka jirta Gaza, halkaas oo kumannaan rayid ah ay ku dhinteen dagaalka socda sanadkii afaraad.