Sida ay shaacisay baaris caalami ah oo uu daabacay wargayska The New York Times, dowladdaha Mareykanka iyo Israa’iil ayaa bilowgii dagaalka qorsheeyey hawlgal qarsoodi ah oo xukunka dalka Iiraan loogu dhiibayo madaxweynihii hore ee dalkaas, Maxmuud Axmedinejaad.
Ilo-wareedyo amni oo u dhow aqalka cad ee Mareykanka iyo sirdoonka Israa’iil ayaa xaqiijiyey in qorshahani uu ahaa mid aad u qarsoodi ah, kaas oo ujeedkisu ahaa in Axmedinejaad la wareego hoggaanka xukuumad kumeel-gaar ah marka uu dalku qasoobo.
Hasa yeeshee, hawlgalkaas ayaa fashilmay maalintii ugu horreysay ee dagaalka, taas oo dhalisay khalkhal hor leh.
Maxay u Doorteen Axmedinejaad?
Maxmuud Axmedinejaad, oo ahaa madaxweynihii Iiraan ee u dhaxeeyey 2005 ilaa 2013, wuxuu caan ku ahaa hadallada kulul ee ka dhanka ah reer Galbeedka iyo Israa’iil, isagoo xitaa mar ku baaqay “in Israa’iil khariidada aduunka laga tirtiro.”
Haddaba, maxay tahay sababta ay hadda reer Galbeedku u doorteen?
Sirdoonka Mareykanka (CIA) ayaa rumeysnaa in Axmedinejaad uu sanadihii la soo dhaafay khilaaf xooggan kala dhaxeeyey Hoggaamiyaha Guud ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei iyo Kooxda Ilaalada Kacaanka (IRGC).
Wuxuu si furan u naqdin jiray musuqmaasuqa madaxda dalkiisa, isagoo ku jiray xabsi guri deegaanka bariga Tehraan. Mareykanka iyo Israa’iil waxay rabeen inay ka faa’iideystaan magaciisa iyo khilaafkaas si ay u kala jabiyaan nidaamka dhexdiisa.
Afarta Marxaladood ee Qorshaha:
Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan gaashandhigga Israa’iil, qorshuhu wuxuu u dhignaa sidan:
1 Duqeyn Toos Ah: In la qaado duqeymo lagu dilayo hoggaanka ugu sarreeya ee diinta iyo amniga Iiraan.
2 Kicin Xuduudaha: In la
dhaqdhaqaajiyo kooxaha Kurdiyiinta ee xuduudaha si loo mashquuliyo ciidanka Iiraan.
3 Dagaal Dhanka Warbaahinta Ah: In la baahiyo warar khalkhal gelinaya shacabka si ay u kalsooni beelaan.
4 Xoreynta iyo Magacaabista: In si
degdeg ah loo soo furto Axmedinejaad, loona muujiyo inuu yahay badbaadiyaha cusub ee dalka.
Sidee ayuu Hawlgalku u Fashilmay?
Maalintii koowaad ee dagaalka, duqeymo ay geysteen diyaaradaha Israa’iil ayaa lagu guuleystay inay ku dilaan Hoggaamiyaha Guud, Ayatollah Ali Khamenei. Sidoo kale, duqeyn kale ayaa lagu dilay koox ka tirsan madaxda Iiraan oo uu Mareykanku rajeynayey inay wadahadal furan yihiin.
Haddaba, dhibaatadu waxay timid markii diyaaradaha Israa’iil ay duqeeyeen dhismihii uu xabsi guriga ku ahaa Axmedinejaad ee ku yaallay deegaanka Narmak ee bariga Tehraan.
Ujeedka duqeynta ayaa ahaa in lagu laayo askartii ilaalada ka hayey si isaga loo soo furto.
Laakiin, qaraxa weyn ee meesha ka dhacay wuxuu si xun u dhaawacay Axmedinejaad laftiisa. Sida ay muujisay xogta sirdoonka, Axmedinejaad ayaa markii uu dhaawacmay aad uga carooday falka ay xulafadu ku dhaqaaqday, wuxuuna diiday inuu wax wadashaqeyn ah la sameeyo Mareykanka iyo Israa’iil. Intaas ka dib, markii ay fowdadu ku badatay caasimadda, Axmedinejaad waa uu la baxsaday, ilaa haddana meel uu ku sugan yahay lama yaqaan.
Guuldarrada Qorshaha
Aqoonyahannada ka faalooda arrimaha Bariga Dhexe ayaa sheegay in qorshahani uu ahaa mid khaldan bilowgiisaba. Waxay tilmaameen in Axmedinejaad uusan sanadkan 2026 lahayn wax taageero ah oo xooggan oo ka dhex jira ciidanka ama culimada dalka Iiraan, in la is yiraahdo dalka ha hoggaamiyana ay ahayd “riyo aan rumoobi karin.”
Fashilka qorshahan ayaa Mareykanka iyo Israa’iil kaga tagay qorshe la’aan siyaasadeed, waxayna ku khasabtay in dagaalku u isku beddelo mid ciidan oo kaliya, iyadoo la beegsanayo gantaalaha iyo kooxaha ay Iiraan taageerto.