Dhowr dal oo Yurub ah ayaa u yeertay safiirradooda Israa’iil u fadhiya dalalkooda, kadib caro xooggan oo ka dhalatay sida loola dhaqmay kooxdii u ololeynaysay gurmadka dadka reer Qasa.
Xiisaddan diblomaasiyadeed ayaa sii xoogeysatay kadib muuqaal uu baahiyay wasiirka amniga qaranka Israa’iil Itamar Ben-Gvir, kaas oo muujinayay qaar kamid ah dadka la xiray oo lagu bahdilayo gudaha xarunta lagu hayay. Ficilkaas ayaa dhaliyay cambaareyn ballaaran oo gudaha Israa’iil iyo caalamkaba ah.
Xarunta xuquuqda aadanaha ee Adalah ayaa sheegtay inay heshay xaqiijin rasmi ah oo ka timid maamulka xabsiyada Israa’iil, taas oo caddeyneysa in la sii deynayo dhammaan dadka u ololeynayay arrinta Gaza ee la xiray, islamarkaana la bilaabay hannaan lagu tarxiilayo laguna celinayo dalalkooda.
Adalah ayaa ku tilmaantay qabashada maraakiibta gargaarka ee biyaha caalamiga ah iyo xarigga loo geystay dadka saarnaa xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, iyadoo sidoo kale ku eedeysay Israa’iil jirdil iyo xarig sharci darro ah.
Wararka laga helayo gudaha Falastiin ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqayaasha hadda laga daadgureynayo xarun xabsi oo ku taalla gobolka Naqab, lana geynayo garoonka diyaaradaha Ramon si loogu qaado duulimaadyo dib ugu celinaya dibadda.
Waxaa la sheegay in shirkadda Turkish Airlines ay ka qaadi doonto halkaas kuna celin doonto magaalada Istanbul.
Warbaahinta Israa’iil qaarkeed ayaa si adag u weerartay Ben-Gvir, iyagoo ku eedeeyay inuu dunida kusoo jeediyay dareenka dhacdadan, kadib markii arrinta maraakiibta gargaarka ay markii hore ahayd mid aan helin dareen weyn oo caalami ah.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu wajahayo cadaadis diblomaasiyadeed, gaar ahaan kadib markii safiirrada Israa’iil loo yeeray iyo hadal kasoo baxay safiirka Mareykanka ee Israa’iil oo dalbaday in arrintan si degdeg ah loo soo afjaro.