U bood dhigaalka

Trump oo ka fakaraya inuu mar kale weer ku qaado Iiraan

Maajo 23, 2026

Wararka ka imanaya Mareykanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Donald Trump, uu weli ka fiirsanayo go’aanka uu ka qaadanayo xiisadda kala dhaxaysa Mareykanka iyo Iiraan.

Sida ay baahisay warbaahinta Axios  Trump ayaa qiyaastii 50% ku kala jiro laba doorasho oo kala ah in la gaaro heshiis diblomaasiyadeed oo lala yeesho Iiraan ama in la qaado tallaabo militari oo ay ku jirto duqeyn.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in maamulka Aqalka Cad uu qiimeynayo saameynta amni, siyaasadeed iyo midda gobolka ka dhalan karta go’aan kasta, xilli ay sare u kacday xiisadda Bariga Dhexe.

Khubarada arrimaha caalamiga ah ayaa aaminsan in doorashada heshiis siyaasadeed ay yareyn karto khatarta dagaal ballaaran, halka tallaabo militari ay sii hurin karto colaadaha gobolka isla markaana saameyn ku yeelan karto amniga caalamka.

Ilaa iyo hadda, maamulka Mareykanka si rasmi ah uguma uusan dhawaaqin go’aan kama dambeys ah, iyadoo indhaha dunidu ay ku jeedaan tallaabada uu qaadi doono Madaxweyne Trump iyo sida ay uga falcelin doonto Iran.