U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Shaacisay Xilliga ay Bilaabanayso Doorashada Guddoomiyeyaasha Degmooyinka

Maajo 23, 2026

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday xilliga rasmiga ah ee ay bilaabanayso doorashada Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo ku-xigeennadooda, taas oo muddo dhowr bilood ah dib u dhacday.


Hoggaanka degmooyinka oo la filayay in si degdeg ah loo doorto ka dib doorashadii taariikhiga ahayd ee hannaanka qof iyo cod ee ka dhacday Gobolka Banaadir 25-kii Diseembar ee sannadkii hore, ayaa dib u dhac ku yimid, balse wasaaradda ayaa hadda xaqiijisay in guda-galka doorashadan uu dhowyahay mar uu wasiirku tababar u furay xubnaha golayaasha deegaanka.


Doorashada Hoggaanka Degmooyinka oo Bilaabanaysa Ciidda Ka Dib
Wasiirka oo si toos ah u xaqiijiyay xilliga ay qabsoomayso doorashadan muhiimka ah, ayaa caddeeyay in tababarka farsamo ee hadda u bilowday xubnaha golayaasha deegaanka uu gogol-xaar u yahay hannaanka doorashada oo dhici doonta munaasabadda Ciidda ka dib.

“Xubnaha golaha deegaanka ee sharafta leh, tababarkan ka dib, gaar ahaan Ciidda ka dib, waxaan u guda-gali doonnaa doorashada hoggaanka degmooyinka, oo ay xubnaha golayaashu ku dooran doonaan Guddoomiyaha Degmada iyo ku-xigeennadiisa.”

Wasiirka ayaa intaas ku daray in doorashadan ay tahay mid si weyn u dhammaystiraysa qaab-dhismeedka iyo dhismaha dhabta ah ee dowladaha hoose, isagoo xusay in hannaankani uu dalka u horseedayo maamul-daadejin salka ku haysa dimuqraadiyad iyo isla-xisaabtan dhab ah.


Tababarro Farsamo oo Loo Sameeyay Golayaasha
Si looga gudbo caqabadaha keenay dib-u-dhaca doorashada tan iyo 25-kii Diseembar, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Doorashooyinka ayaa xubnahan u diyaariyay barnaamijyo kor loogu qaadayo aqoontooda maamul.


Wasiirka ayaa xaqiijiyay in tababarku uusan ku ekaan doonin mid maanta ah, balse ay xigi doonaan kuwo farsamo oo joogto ah, kuwaas oo khuseeya:
Qorshaynta iyo maamulka mashaariicda degmooyinka.Xallinta khilaafaadka heer deegaan.


Hannaanka sharcidejinta ee golayaasha deegaanka.
Adkaynta xiriirka ka dhexeeya shacabka iyo maamulka degmada.

Doorashadan ku-simaha ahayd ee mudada haysatay maamulka degmooyinka, oo hadda loo weecinayo in golayaashu si xor ah u doortaan guddoomiyeyaasha, ayaa door weyn ka qaadan doonta hannaanka doorashooyinka guud ee dalka ku soo fool leh.
Goobjoog News