U bood dhigaalka

Maxkamad ku taalla Faransiiska oo Mamnuucday Kulan Sanadle ah oo Muslimiinta Galbeedka dalkaasi isugu imaan jireen

Maajo 24, 2026

Go’aanka maxkamadda ayaa xaqiijiyay mamnuucidda munaasabadda, taas oo sannad kasta soo jiidata kumannaan ka qaybgalayaal ah oo ka kala yimaada meelo kala duwan oo Faransiiska ah.

Duqa magaalada Nantes, Joanna Rolland, ayaa qoraal ay ku baahisay barta X ku sheegtay inay ka xun tahay go’aanka la gaaray, iyadoo muujisay garab istaag buuxa oo ay u hayso qabanqaabiyeyaasha iyo ka qayb-galayaasha munaasabadda.

Waxay sheegtay in kumannaan muwaadiniin Muslimiin ah iyo qoysaskooda laga hor istaagay kulan ay muddo dheer sugayeen, taasoo ay ku tilmaantay arrin murugo iyo niyad-jab abuurtay.

Joanna Rolland ayaa sidoo kale carrabka ku adkaysay in qiyamka Jamhuuriyadda Faransiisku ay tahay inay dadka isu keento oo mideyso, halkii ay kala qaybin lahayd, iyadoo ugu baaqday in la dhowro xorriyadaha bulshada iyo isu imaatinnada nabdoon.

Go’aankan ayaa dood ka dhex dhaliyay bulshada Faransiiska, iyadoo qaar ay u arkaan tallaabo amni oo lagama maarmaan ah, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen xannibaad saameyn ku yeelanaysa xorriyadda isu imaatinka dhaqanka diimeed ee bulshada Muslimiinta.