Kadib markii la shaaciyay liiska xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxaya in qoondada haweenka ee 30% aysan si buuxda uga muuqan golaha cusub.
Liiska hadda la shaaciyay oo ka kooban 92 xildhibaan, ayaa waxaa haweenku ka yihiin 16 xubnood oo keliya, taasoo ka dhigeysa matalaad dhan qiyaastii 17%.
Sida heshiisyada siyaasadeed iyo dastuuriga ah dhigayaan, haweenku waxay ahayd inay helaan ugu yaraan 28 kursi si loo gaaro qoondada 30%, balse waxaa ka dhimman 12 kursi.
Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan iyo walaac la xiriira matalaadda haweenka ee siyaasadda, iyadoo bulshada rayidka iyo ururrada haweenka ay marar badan ku baaqeen in si dhab ah loo dhowro xuquuqda haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda dalka.
Dhanka kale, guddiga doorashooyinka ayaan wali ka hadlin sababta keentay in qoondada haweenka ay sidaasi hoos ugu dhacdo.