U bood dhigaalka

Xamaas oo xaqiijisay in hoggaamiye sare looga diley duqeyn ay Israa’iil xalay ka fulisay marinka Qasa

Maajo 27, 2026

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa xaqiijiyay in uu geeriyooday Maxamed Cuuda (Mohammed Ouda), oo ka tirsanaa hoggaanka garabka milatari ee Al-Qassam, kadib weerar cirka ah oo ay Israa’iil ka fulisay Magaalada Gaza.

War kasoo baxay Xamaas ayaa lagu xaqiijiyay geerida Cuuda, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Amniga Israel Katz ay hore u shaaciyeen in bartilmaameedka duqeynta uu ahaa sarkaalkaas.

Duqeynta ayaa lala beegsaday dhisme ku yaalla xaafadda Rimaal ee galbeedka Magaalada Gaza, halkaas oo la sheegay in ugu yaraan saddex Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in afar gantaal ay ku dhaceen dabaqyada sare ee dhismaha la weeraray, ayadoo aagga la duqeeyay uu ahaa meel ganacsi oo mashquul badan, waxaana weerarku dhacay xilli kumannaan qof ay ku sugnaayeen waddooyinka magaalada, saacado yar ka hor munaasabadda Ciidul Adxaa.

Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa difaaca madaniga ah ayaa wajahaya caqabado ay ka mid yihiin koronto la’aan iyo burburka jaranjarooyinka iyo wiishashka dhismaha, taas oo adkaysay gurmadka iyo soo saarista dadka ku waxyeelloobay weerarka.

Falastiiniyiinta Gaza ayaa weerarkan iyo kuwa kale ee la midka ah ku tilmaamay jebin cad oo lagu sameeyay heshiiska xabbad-joojinta.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa weerarradan ku tilmaamaysa tallaabooyin amni oo ka dhan ah bartilmaameedyo ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin kooxaha hubeysan.

Weerarka ugu dambeeyay ayaa imanaya iyadoo shacabka Gaza ay weli wajahayaan xaalad adag oo bani’aadamnimo, isla markaana ay sii kordhayaan baaqyada ku aaddan in la joojiyo dagaalka iyo dhiigga daadanaya.