Baraha bulshada dalka Bangladesh waxaa qabsatay hadal-haynta dibi si weyn loogu barbardhigay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo laga badbaadiyay in la qalo munaasabadda Ciidul Adxaa.
Dibigan oo ahaa mid cad islamarkaana leh timo huruud ah oo dad badan ay sheegeen inay u eg yihiin timaha Donald Trump ayaa si weyn caan uga noqday baraha bulshada maalmihii ka horreeyay ciidda.
Warbaahinta gudaha Bangladesh ayaa sheegtay in dadka qaarkood ay bilaabeen inay sawirro iyo muuqaallo ka sameeyaan dibigan, ayagoo ku tilmaamay “Trump-ka dibiga ah”, taas oo dhalisay hadal-heyn ballaaran iyo xiiso dadweyne.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Bangladesh ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaartay in neefkaasi aan la qali karin, kadib markii ay soo baxeen walaacyo amni iyo dareen bulsho oo ku xeernaa dibigaas caanka noqday.
Sida wararku sheegayaan, wasiirka arrimaha gudaha Salahuddin Ahmed ayaa amar ku bixiyay in milkiilaha dibiga la siiyo magdhaw, halka neefkana loo wareejiyay beerta xayawaanka qaranka ee magaalada Dhaka si loo ilaaliyo.
Go’aankan ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo gudaha Bangladesh iyo baraha bulshada caalamka, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen dhacdo kaftan iyo yaab isugu jirta.
Warbaahinta qaar ayaa si kaftan ah u sheegtay in dibigani uu hadda kamid noqon karo guulaha uu Donald Trump sheegto inuu gaaray, maadaama uu si aan toos ahayn uga badbaaday gawraca ciidda sababo la xiriira muuqaalkiisa oo Trump lagu ekeysiiyay.