U bood dhigaalka

Iiraan iyo Mareykanka oo duqeymo culus is dhaafsaday

Maajo 28, 2026

Waxaa cirka isku sii shareeraysa xiisadda militari ee u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan, kadib weerarro iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhacay hareeraha marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz.

Wararka ka imanaya Tehran iyo gobolka Khaliijka ayaa muujinaya in xaalad amni ay sii adkaanayso, iyadoo labada dhinac ay weerarro duqeymo ah is dhaafsadeen.

Warbaahinta dowladda Iiraan iyo ilo ku dhow dhow Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa sheegay in Iiraan ay qaaday tallaabooyin jawaab u ah duqeymo Maraykanku ku bartilmaameedsaday deegaanno ku dhow magaalada Bandar Abbas ee koonfurta Iiraan, wuxuuna aaggaasi ku dhow yahay marin-biyoodka Hormuz oo ah marin ay maraan inta badan shidaalka dunida loo dhoofiyo.

Sida ay sheegayaan saraakiil Iiraani ah, weerarradaasi waxay qeyb ka yihiin cadaadis militari oo sii kordhaya tan iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee hore loogu dhawaaqay.

Inkasta oo heshiiskaasi jiray muddo bilooyin ah, haddana labada dhinac ayaa weli isku haya maamulka iyo ammaanka marin-biyoodka Hormuz.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inay beegsadeen saldhig laga soo tuuray gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ku dhacay agagaarka Bandar Abbas.

Inkasta oo aysan jirin khasaarooyin rasmi ah oo la xaqiijiyay, haddana tallaabadan ayaa muujinaysa in Iiraan ay diyaar u tahay inay si toos ah uga jawaabto dhaq-dhaqaaq kasta oo ay u aragto mid khatar ku ah amnigeeda.

Dhanka kale, dowladda Kuwait ayaa sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay laga maqlay qaraxyo iyo rasaasta difaaca cirka oo lagu furay diyaarado iyo gantaallo aan weli la xaqiijin halka laga soo diray.