U bood dhigaalka

Museveni oo Xaaskiisa Mar Kale Wasiir u Magacaabay

Maajo 28, 2026

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ku dhawaaqay gole wasiirro oo cusub oo ka kooban 83 xubnood, isagoo mar kale xaaskiisa Janet Museveni u magacaabay Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciyaaraha.

Isbeddelkan ballaaran ayaa yimid kadib markii Museveni loo dhaariyay xilka madaxtinimada muddo shan sano ah, taas oo ka dhigeysa muddo xileedkiisii toddobaad ee xiriir ah tan iyo markii uu talada qabtay sanadkii 1986-kii.

Wareegto kasoo baxday madaxtooyada Uganda ayaa lagu sheegay in 28 wasiir laga saaray xukuumaddii hore, halka qaar kamid ah mas’uuliyiinta sare dib loogu xaqiijiyay xilalkooda.

Kuwa xilalka sii haystay waxaa kamid ah Madaxweyne Ku-xigeenka Jessica Alupo, Ra’iisul Wasaaraha Robinah Nabbanja, iyo Wasiirka Cadaaladda Norbert Mao.

Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday waxaa kamid ah Wasiirkii Maaliyadda Matia Kasaija, Wasiirkii Arrimaha Dibadda Jeje Odongo, iyo ku-xigeenkii labaad ee Ra’iisul Wasaaraha Moses Ali oo kamid ahaa siyaasiyiinta ugu muddada dheer dowladda Uganda.

Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka ayaa sheegay in xukuumaddan tirada badan ay qeyb ka tahay dadaalka Museveni uu ku xoojinayo taageerada siyaasadeed iyo xulafadiisa kala duwan, xilli uu wajahayo muddo xileed cusub oo siyaasadda Uganda si weyn isha loogu hayo.